Somalia Today - Mustafa Mmj




Madaxweyne Farmajo waa shaqsi aad u qalbi wanaagsan oo aan runtii qof walbaa dareemi karo laakin hadii qofku si, qabyaaladeysan ugu nacaayo waa baab kale.

Lama yaabayo haduusan qaban wixii uu balan qaaday sababtoo ah Soomaaliya hadii madaxweynaha ugu fiican loo keeeno xitaa in uusan waxba ka qaban karin ayaan aaminsanahay.

Wax kale ma ahan ee muwaadinka Soomaaliyeed waxa uu dowlad u yaqaanaa shaqsi kaasoo wax walbaa umadda u qabto halka ay iyagu waajibaadkoodii iloobeen.Dadku markeeysan wadajir ahayn cidna waxba uma qaban karto hadii qof walbaa ina adeerkii uuu wadani u yaqaano weligeed waxa ay ahaan jug jug meeshaada joog.

Horumarku dalku waaa mid waajib ah oo muwaadin walbaa saaran hadaanan si, wadajir loo gudanin dhibtu dhamaan meyso baahi iyo rafaadna lagama baxayo.

Hadaba maxaa inala gudboon hadii aan nahay shacabka Soomaaliyeeed?

Marka annaga aan dalkeena daacad u noqono, aan joojino in aan qof walbaa qabyaalad ugu nacno, aan dhiro gelino shaqsiyaadka raba in ay wax qabtaan, midna ha iloobina in dalkaan uusan weligiisa shaqsi maaamuli karin oo aysan taaa soconeynin qofkii ugu bataana waxa uu joogi sanado.

                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                         
Horumarka dalka: Qof walbaa waxaa waajib ka saaran horumarinta dalkiisa si,aan dunida ula tartanno. Muwaaadinnimadaadu waa in ay noqotaaa mid sharfan oo uu qofku farxadgeliso balse hadii dadku aduunku ka noqdo kuwo liidan waxa sababteeda leh waa annaga.

Hadaanan annagu is sharafin dalkeena aanan horumarin weligeen aduunka qiimo kama yeelaneyno waxaaana ahaaneynaa kuwo ku bahdilan dal iyo dadba. Ka qeyb qaado maanta kaalintaada Allah ka dhigee in aad dadka wacyi geliso oo aad ku baraarujiso in uu dalkeena ina sugayo.

Ma dooneyno nolosha aan ku soo barbaarnay in ay ubadkeenuna ku soo barbaaran. Ahmiyadeenu waxa ay tahay dal nabad ah, dad sharaf ku leh aduunka.

Ogow dalkaagu haduu sharaf leeyahay, dal dhisan, amni ah, quruxdab badan, adiguna aduunka waxaad ka ahaan muwaadin qurux badan oo sharaf leh.

Caasimada iyo Maanta

W.Q: Mustafa Mmj


Join us: https://www.somger.com/

Kommentare